Saturday, July 23, 2016

Maxa Kor Uqaada Sumcada Wariyah


Inta badan ilaha wararka laga doonto ee Soomaalida sida
mareegaha Internet-ka, wargeysyada, idaacadaha ama
TV-yada, waxa lagu la kulmaa warar “ku candho iyo bayd
go’an” aragtidii uu tebiyuhu qabey. Sidii uu isaga ama
iyadu u jeclaan lahayd in wax u dhacaan, ayay warka in
badani u qorayaan ama u sheegayaan. Waxa warka ka dhex
hillaacaya caro iyo xanaaq ama jibbo iyo caaddifad dhinac
abbaaraysa. Waa war dhinac la safan, dhinaca kale na ka
safan. Waxa warar badani ku xadgud baan shakhsiyaad,
kooxo, beelo ama degaanno iska dhan. Marka warka laga
tago ee maqaallada iyo faallooyinka loo gudbo iyada
hadalkeeda iska ba daa. Waallida uun baa sii korodha. Waa
aflagaaddo, yooyootan, caytan yaqyaqsi leh, iyo ligis iyo
dhooqo lagu gelgelimaysto oo lagu galgasho, si aan loo
miidaan deyin na ciddii la doono loo
marmariyo.